Allbanaadir.com
HIRSHABELLENEWS

Taliska cusub ee qeybta 27-aad oo si rasmi ah xariga looga jaray (Daawo Sawirada)

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya Jenaraal Odawaa Yuusuf Raage iyo Madaxweyne kuxigeenka maamulka Hirshabelle Yuusuf Dabageed ayaa si rasmi ah xariga uga jaray xarunta taliska cusub ee qeybta 27-aad oo laga dhigay degmada Buulo-burte.

Taliska cusub ee qeybta 27-aad ayaa si KMG ah ugu sii shaqeyn doona dhismihii xerada shiirkole ee kutaala degmada Buula-burde ee gobolka Hiiran, waxaana degmada Buulo-burte xarun u noqon doontaa taliskan cusub.

Madaxweyne kuxigeenka maamulka Hirshabelle Yuusuf Dabageed oo ka hadlay munaasabada xarig jarka taliska cusub ayaa uga mahad celiyay taliyaha ciidanka xooga Soomaaliyeed uu tilmaamay in Buulo-burte ka dhigay xarunta taliskan.

Dabageed ayaana ka codsaday taliyaha ciidanka xooga Soomaaliyeed in ciidamada dhaqaaqaan oo kooxda Al Shabaab ka saaraan deegaanada maamulka Hirshabelle uu tilmaamay in dhibaatooyin xoogan ku hayaan.

Generaal Odawaa Yuusuf Raage oo isna ka hadlay munaasabada ayaa sheegay in ciidanka xooga Soomaaliyeed diyaar u yihiin in ay la dagaalamaan cadowgooda, waxa uuna ka codsaday bulshada ku dhaqan Hiiraan in ay la shaqeeyaan ciidanka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Sawirro) Dibed-baxyo looga horjeedo dilkii George Floyd oo ka socda Minneapolis

Caydiid Ali

Xubno cusub oo ku biiray Shirka Musharaxiinta iyo Gudoomiyaha Aqalka sare oo ..

Cabdi Cade

Xagee ku dambeysay diidmadii Somaliland ee booqashadii Madaxweyne Farmaajo?

admin
Taboola Ads ---