Wararkii Ugu Dambeeyay Iska hor imaadkii maanta ka dhacay magaalada Kismaayo

Magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee maamulka Jubbaland waxaa ka dhacay Iska hor imaad khasaaro geestay oo u dhaxeeyay Ciidamada maamulka Jubbaland iyo ciidamo kale oo taabacsan Siyaasiga C/Naasir Seeraar oo katirsan Isbadal doonka Jubbaland.

Iska hor imaadka ayaa bilowday kadib markii dad taageersan isbadal doonka Jubbaland oo banaan bax ka dhigayay magaalada Kismaayo ay isku dhaceen ciidamo katirsan Jubbaland taa oo markii dambe keentay in dagaal bilowdo.

Sida aan wararka ku helnay iska hor imaadka ayaa ka dhacay Xaafada Farjano gaar ahaan Isgooska Siinay oo u dhaw guriga uu degan yahay Siyaasiga C/Naasir Seeraar, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal daqiiqo kooban socday.

Dagaalka labada dhinac dhax maray ayaa markii dambe joogsaday kadib markii ciidamada maamulka Jubbaland ay aagaasi isaga tageen, xaalada ayaana hada ah mid degan sida dadka deegaanka noo sheegeen.

Dadka deegaanka ayaa ku waramaya in ay jiraan khasaaro ka dhashay iska horimaadka ka dhacay magaalada Kismaayo, walina lama oga inta uu la egyahay khasaaraha uu reebay dagaalkan maanta Kismaayo ka dhacay.

Iska hor imaadka maanta ka dhacay magaalada Kismaayo ayaa kusoo aadaya xili amaanka magaaladaasi si weyn loo adkeeyay ayna tagayeen magaaladaasi safiirka Mareykanka u jooga Soomaaliya iyo saraakiil kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -