Allbanaadir.com
NEWS

Mahdi Guuleed oo telfoon kula hadlay Ra’isul Wasaaraha Lubnaan kadib qarxyadii dhacay

Sii Hayaha xilka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa  khadka Taleefonka kula hadlay Ra’iisul Wasaaraha Dalka Lubnan Hassan Diab , waxa uuna uga tacsiyeeyay dadkii ku dhintay qaraxyadii xalay ruxay magaalada Beyruut.

Mahdi Guuleed ayaana u sheegay ra’isul Wasaaraha dalka Lubnaan in aad uga murugeesan yihiin khasaaraha xoogan ee ka dhashay qaraxaasi, waxa uuna u muujiyay in garab taagan yihiin walaalahooda dalka Lubnaan lana qeybsanayaan xanuunka .

Sii hayaha Wasiirka Arrimaha Dibadda xukuumada Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa sidoo kale tacsi u diray dowlada iyo shacabka Lubnaan, waxa uuna sheegay in aad uga naxeen qaraxyada dadka badan noloshaada dhaafiyay.

Magaalada Beyruut ee caasimada dalka Lubnaan waxaa xalay ka dhacay qaraxyo aad u xoogan oo galaaftay nolosha dad ku dhaw boqol qof, waxaana qaraxyadan magaalada Beyruut galiyeen xaalad argagax leh.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Biixi oo Daah-furay Mashruuca biyo balaarinta Hargeysa (Sawirro)

Cabdi Cade

Farmaajo oo markii ugu horeysay sharaxaad ka bixiyey heshiiska dowladiisu la gashay Itoobiya (Daawo Video)

Caydiid Ali

RW Khayre oo ka qeyb galay Shirka tubta horumarinta arrimaha bulshada (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---