Allbanaadir.com
NEWS

Muwaadiniin Soomaaliyeed oo lagu dilay rabshadaha ka socda dalka Koonfur Afrika

Waxaa sii xoogeesanaya rabshadaha ka socda dalka Koonfur Afrika ay dhigayaan taageerayaasha Madaxweynihii hore ee dalkaasi Jocob Zuma oo dhawaan xabsi la dhigay kadib markii lagu xukumay 15-bilood oo xabsi ah,

Rabshadaha ka socda dalka Koonfur Afrika gaar ahaan gobolka Kwazulu Natal ayaa galaaftay nolosha muwaadiniin Soomaaliyeed oo halkaasi kunoolaa halka kuwa kalana lagu dhaawacan maanta kaliya.

Inta la xaqiijiyay afar wiil oo Soomaali ah ayaa maanta lagu dilay weerar lagu qaaday gaari ay la socdeen xili ay kasoo baxsanayeen deegaan ay ku go’doonsanaayeen, waxaa sidoo kale weerarkaasi ku dhaawacmay afar muwaadin kale oo isbitaal la dhigay.

Waxaa sidoo kale laga cabsi qabaa in ay sii kordhaan khasaaraha nafeed ee Soomaalida kasoo gaaraya rabshadaha ka bilowday qeybo kamid ah dalka Koonfur Afrika oo goobaha ganacsi lagu boobayo sidoo kale dadka lagu dilayo.

Soomaali badan ayaa iska xirtay goobahooda ganacsi iyagoona u cararay goobo ay uga bad baadi karaan rabshadaha socda, waxaana laga cabsi qabaa in rabshadaha hada socda kusii faafaan goobo kale oo hada xasiloon.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Guddiga Doorashada oo shaki galiyay kursigii uu ku guuleestay Maxamed Cali Xasan

Cabdi Cade

Shirkadaha Isgaarsiinta Somaliland oo wacitaankooda la isku furay iyo shacabka oo ku farxay

Cabdi Cade

Guddoomiye ku-xigeenkii Somaliland ee Gobolka Sool oo ku biiray xoogaga SSC

Caydiid Ali
Taboola Ads ---