(Sawirro) Dibed-baxyo looga horjeedo dilkii George Floyd oo ka socda Minneapolis

Waxaa Magaalada Minneapolis ee dalka Maraykanka ka socda banaanbax looga soo horjeedo dil loo gaystay nin madow ah oo aan hubaysnayn.

Booliska ayaa sunta indhaha ka ilmaysa u adeegsaday dibad baxayaasha, iyadoo qabanqaabayaasha ay sheegeen in qorshahoodu ahaa inuu dibadbaxa u dhaco si nabad, iyagoo raacaya tallooyinka kala fogaanshaha bulshda ee lagula tacaalayo faafidda cudurka corona.

Dibad baxaaysha ayaa ku dhawaaqayay erayo uu ka mid ahaa “Ma neefsan karo” oo ka mid ahaa ereyadii ugu dambeeyey ee uu ku dhawaaqayey ninka si arxan darada ah loo dilay.

Afar askari oo ka tirsan booliska magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka ayaa shaqada laga eryey kaddib marki lagu arkay muuqaal laga duubay dil loo geystay nin madow ah oo aan hubaysnayn.

Boqolaal qof ayaa isku soo baxay kaddib markii maalintii Isniinta ahayd booliska ay dil u gaysteen ninkan madowga ah oo muuqaal laga duubay markii la dilayey uu si weyn ugu baahay baraha bulshada, caro badana abuuray.

Booliska Minnesota ayaa sheegay in Mr. Floyd oo 46 sano jir ahaa uu ilaaliye ka ahaa maqaayad ku taala halkaas.

Muuqaalka la baahiyay ayaa tusinaya George Floyd, oo askari cadaan ah ku leh “Ma neefsan karo”, iyada oo la arkayay askariga oo luqunta lugta uga hayo Floyd, waxaana dhacdadan ay ka caraysiisay dad badan iyadoo aad looga hadal hayo gudaha dalka Maraykanka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -