Dhibaato ku soo korortay Magaalada Dhuusamareeb & shacabka oo cabanaya

Xaafadaha Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug ayaa Waxaa soo badanaya  dhaca bareerka ah ee loo geysanayo dadka guriyahooda u sii hoyanaya sida ay sheegayaan shacabka magaaladaas.

Isku socdka habeenkii  ayaa hada noqday mid yaraaday, waxaana kooxaha dhaca geysanayo qaarkood lagu sheegey inay wataan dareyska Ciidamada dowladda iyadoo taasi dadka ku qasabtey inay naftooda la cabsadaan oo xili hore xaafadaha tagaan.

“Arinta la yaabka leh ayaa ah in tuugada dadka dhaca u geysanaya ay yihiin kuwo iskula socda labo labo qof iyo in ka badan, dadka qaar ayay jirdil u geystaan, halka kuwo kalena ay qatar gashey naftooda kadib markii lagu muday toorey” ayuu yiri mid ka mid ah odayaasha degaanka.

Burcadan ayaa dadka ka dhacda telefoonada gacanta, sidoo kale waxay dadka ku qasbaan inta aysan dhicin ka hor iney u diraan lacagaha ugu jira adeega Evc-Plus.

Taliska booliska iyo mamulka degmada ayaanan illaa hadda wax talaabo ah ka qaadin dhacaas loo geysanayo dadka shacabka ah.

Bilo kahor magaalada Dhuusamareeb waxa ay kamid ahayd magalooyinka dadka shacabka iyo madaxdaba ay xiliyada danbe ku gaari jireen goobaha lagu caweeyo, balse xiligan waxaa albabada la iskugu dhuftay goobaha lagu fiidsado habeenkii, iyadoo dadka ay xili hore ku xaroodaan guryahooda.

 

- Advertisement -