Guddiga Doorashada Heer Federaal oo la kulmay Raisul Wasaarihii hore ee dalka

Ra’isul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi ayaa hoygiisa ku qaabilay xubno ka tirsan Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal oo uu hogaaminaayo gudoomiyaha guddigaas Maxamed Xasan Ciro.

Intii kulanku socday waxaa laga wada hadlay sidii la iskaga kaashan lahaa Doorasho daahfuran oo xasiloon.

Dhankiisa Raisal wasaare Cali Maxamed Geedi, ahna musharax Madaxwayne wuxuu Guddiga u soo jeediyay inay xil iska saaraan cadaaladda iyo daahfurnaanta doorashada iyo talooyin iyo dardaaran la xiriira arimaha doorashada.

“Waa talaabo kale oo ka mid ah qorshaha guddiyadu ay doonayaan in ay kula kulmaan murashaxiinta madaxtinimada, si loo dardar geliyo wada shaqaynta guddiyada iyo dhinacayda kala duwan ee danaynaya siyaasadda” ayuu yiri Gudoomiye Ciro oo ka hadlay kulanka Cali Geeddi.

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal ayaa maalmahanba kulamo isdaba joog ah la yeelanayey musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha iyo siyaasiyiin kale.

- Advertisement -