Shir Xasaasi ah oo u Socda Farmaajo, Rooble iyo Madaxda Galmudug iyo Hirshabelle

Wararka aan ka heleyno xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegaya in caawa halkaasi shir xasaasi ah uga socdo Madaxweyne Farmaajo, Ra’isul Wasaare Rooble iyo Madaxda maamulada Hirshabelle iyo Galmudug.

Sida aan wararka ku heleyno shirka Madaxdan u socda ayaa diirada lagu saarayaa xiisada siyaasadeed ee caawa ka taagan Muqdisho gaar ahaan qorshaha dowlada ku dooneyso in ay ku weerarto  Saadaq Joon .

Waxaa sidoo kale shirka looga hadlayaa diidmada ka dhalatay mudo kordhinta Xildhibaanada golaha shacabka u sameeyeen Dowlada federaalka iyo sida ay uga hor yimaadeen beesha Caalamka iyo siyaasiyiinta mucaaradka.

Madaxda maamulada Galmudug iyo Hirshabelle ayaa sidoo kale la filayaa in Madaxweyne Farmaajo u cadeeyaan mowqifkooda ku aadan mudo kordhinta dowlada loo sameeyay iyo sida ay uga soo horjeedaan arintaasi siyaasiyiinta iyo dadka ay matalaan.

Kulankan caawa u socda Madaxweyne Farmaajo iyo madaxda maamulada Hirshabelle iyo Galmudug ayaa kusoo aadaya xili caawa Muqdisho ka jirto cabsi dagaal sidoo kale Madaxda labadaasi maamul xalay la kulmeen Musharaxiinta mucaaradka ee Muqdisho jooga.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -