Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dad loo heesto dilkii Axmed Dowlo oo sanad kadib maanta Maxkamad lasoo taagay

Maxkamada Gobolka Banaadir ayaa maanta oo arbaco ah waxaa la horgeeyay dad loo heesto in ay ka dambeeyeen dil sanadkii hore Degmada Yaqshiid ee gobolka Banaadir loogu geestay Axmed Mukhtaar Saalax (Axmed Dowlo).

Dilka ninkan loo geestay ayaa ka dhashay kadib markii wiil uu adeer u ahaa uu guursaday gabar kasoo jeeda beelaha awooda is bida, waxaana ninkan si arxan daro ah loogu dhax dilay garaash uu ku lahaa degmada Yaqshiid.

Maxkamada gobolka Banaadir ayaa maanta bilowday dhageysiga dacwadaha loo heesto dadkii ku lug lahaa dilka Axmed Dowlo oo la sheegay in ay gaarayaan 7-qof oo isugu jira rag iyo dumar .

Waxaan la ogeyn mudada ay kusoo dhamaan doonto dhageysiga dacwada loo heesto dadkan ku lugta lahaa dilka Axmed Dowlo, waxaana dadkan maxkamada maanta lasoo taagay mudo dhowr bil ah ku jireen gacanta laamaha amaanka.

Dilka loo geestay Axmed Dowlo ayaa noqday mid caro badan abuuray , waxaana dilkaasi si weyn uga argagay bulshada Soomaaliyeed ee daafaha Dunida kunool, waxaana dilkan uu ahaa mid ka dhashay Jinsi naceyb guur ka dhashay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Qaraxyo lagu hoobtay oo ka dhacay Masaajid lagu tukanayey Salaada Jimcaha (Sawirro)

Caydiid Ali

Laftagareen iyo Wafdi uu horkacayo oo Muqdisho soo gaaray (Sawirro)

Caydiid Ali

Qoor Qoor oo Dib ugu laabtay Dhuusomareeb si weyna loogu soo dhaweeyay (Sawirro) 

Cabdi Cade
Taboola Ads ---