Tirada Soomaalida Yurub ugu dhimaneysa Caronavirus oo sii kordhaya

Waxaa sii badanaya maalinbo maalinta ka dambeesa dadka daafaha dunida ugu dhimanaya caabuqa faafa ee Caronavirus, waxaa sidoo kale sii kordhaya dadka uu haleelayo cudurkan kasoo bilowday Shiinaha.

Soomaali badan oo kunool Qurbaha ayaa aad uga walaacsan caabuqan sii faafaya, waxaana Soomaalida kamid yihiin dadyowga kala duwan ee cudurkan ugu dhimanaya wadamo kuyaala Qaarada Yurub.

Dalalka Britain iyo Sweden ayaa noqday wadamada ugu badan ee dadka Soomaaliyeed ugu geeriyoodeen cudurka Caronavirus, waxaana hada isbitaalo iyo xarumo kale cudurkan la jiifa Soomaali badan.

Dad ku dhaw 40-qof oo Soomaali ah ayaa cudurka Caronavirus mudo kooban ugu geeriyooday dalalka Britain iyo Sweden, waxaana dadkan cudurka u geeriyooday u badan yihiin dad da’ ah ay ku jiraan dad aad loo yaqaanay.

Sababta ugu weyn ee kiisaskan cudurka Caronavirus ku badiyey Soomaalida Yurub ayaa lagu sheegay in inta badan ay Soomaalida wada degan yihiin ama ay isugu tegaan xaafado gaar ah ay u badan yihiin.

Dowladaha qaar ayaa bilaabay wacyi galino gaar ah oo ku socda Soomaalida kunool qaarada Yurub si ay uga taxadaraan cudurkan faafa ,waxa ayna Soomaalida hada kamid yihiin dadka lagu amray in ay guryahooda kasoo bixin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -