Raisul Wasaare Justin Trudeau oo markii Saddexaad dirqi kaga badbaaday..

Raiisul Wasaaraha Canada Justin Trudeau iyo xisbigiisa liberal-ka ee laga tirada badan yahay ayaa ka badbaaday doorasho ku celis ah oo la qaban lahaa.

Codkan oo Arbacadii la qaaday ayaa ku saabsanaa mooshin ay soo gudbiyeen xisbiga Conservative-ka oo dalbanayay in guddi gaar ah loo saaro qaabkii loo kharash gareeyay lacagaha Coronavirus.

Waxyaabaha lagu heystay dowladda Trudeau waxaa ka mid ahaa qandaraas la siiyay hay`adda WE Charity, taasoo la sheegay inay ku lug leeyihiin qaar ka mid ah qoyska ra`iisul wasaaraha.

Arrintaas waxay kalliftay in Mr. Trudeau uu waayo wasiirkii dhaqaalaha dalkaas oo muddo dheer xilka hayay, isagoo raalligelin ka bixiyay inuu ka qeyb qaatay go`aan uu golaha wasiirrada ku oggolaaday in qandaraas lagu siiyo hay`addaas.

Arrintan ayaa ku soo aadeysa sanad kaddib markii Mr Trudeau uu si dirqi ah ugu guuleystay doorashada, isagoo markii 3aad ka badbaaday inuu shaqadiisa waayo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -