Ra’isul Wasaare Rooble oo ka qeyb galay Shirka golaha Wasiirada Jubbaland (Sawirro)

Ra’iisul Wasaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta ka qeyb galay Shirka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada Dowlad-goboleedka Jubaland.
 
Shirka oo ay sidoo kale ka qeyb galeen wasiirrada Xukuumada Federaalka  ee Ra’iisul Wasaaraha ku wehliya socdaalkiisa Jubaland ayaa diiradda lagu saaray wada shaqeynta Wasaaradaha kala duwan ee heer federaal iyo Jubaland.
Ra’isul Wasaare Rooble oo shirka ka hadlay ayaa ku amaanay Wasiirada Jubbaland sida quruxda badan ee u shaqeeyaan, waxa uuna xusay in loo baahan yahay in wada shaqeyn dhaw yeeshaan Wasiirada Federaalka iyo Kuwa Jubbaland.
- Advertisement -