Allbanaadir.com
NEWS

Shabakad Al Shabaab u qaabilsaneyd Qaraxyada oo Muqdisho lagu qabtay (Sawirro)

Taliska hay’adda Nabad sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ayaa war kooban ay caawa soo saartay ku sheegtay in magaalada Muqdisho ku qabteen shabakada kooxda Al Shabaab u qaabilsaneyd qaraxyada.

Warka kasoo baxay Hay’adda NISA ayaa lagu sheegay in howlgal ciidamada Nabad sugida 26-kii ilaa 28-kii ay ka fuliyeen magaalada Muqdisho lagu soo qabtay Shabakad Al Shabaab u qaabilsan qaraxyada iyo maadooyin qaraxyada laga sameeyo.

“Howlgalo qorsheysan oo uu ciidanka Amnigu ka fuliyey Muqdisho 26 ilaa 28 bishaan,  ayaa lagu soo qabtey Shabakad qaraxyada u qaabilsan AS, iyo maadooyinka qaraxyada laga sameeyo.Wada shaqaynta shacbka iyo  laamaha Amniga waa sababta keentay guushaan” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay NISA.

Hay’adda NISA sooma bandhigin magacyada iyo muuqaalka xubnaha la tuhmayo in ay katirsan yihiin Al Shabaab ee lagu qabtay howlgalkan ka dhacay xaafado katirsan magaalada Muqdisho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Al Shabaab oo goob fagaare ah ku toogatay labo nin oo gacanta ugu jiray

Cabdi Cade

Maxay ka wada hadleen James Swan & Guddiga lagu muransan yahay ee doorashada?

Caydiid Ali

Donald Trump oo laga cabsi qabo in uu ka shifo Sir Muhiim ah marka uu baneeyo Aqalka Cad

Cabdi Cade
Taboola Ads ---