Allbanaadir.com
NEWS

Taliska Ciidanka booliiska oo War kasoo saaray Geerida G/sare Muuse Cabdulqaadir Idiris

Magaalada Muqdisho waxaa ku geeriyooday Taliyihii Qaybta Booliska Gobolka Shabellaha Hoose, G/sare Muuse Cabdulqaadir Idiris, oo la sheegay in maalmihii lasoo dhaafay ku xanuunsanaa Caasimada Muqdisho.

War qoraal ah oo kasoo baxay taliska ciidanka booliiska Soomaaliya ayaa lagu xaqiijiyay geerida , G/sare Muuse Cabdulqaadir Idiris, waxaana taliska tacsi u diray eheladii iyo asxaabtii uu ka baxay taliyaha .

“Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaliyeed waxuu ehelka iyo ciidanka boliiska ugu tacsiyeenaa geerida naxdinta lahayd ee ku timid G/Sare Muuse Cabdulqaadir oo ahaa Taliyaha Qeybta Sh/Hoose oo ku geeriyooday Muqdisho” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay booliiska.

Sargaalkan katirsanaa ciidanka booliiska ee geeriyooday ayaa ahaa khabiir dhanka shuruucda boliiska dalka iyo caalamiga, waxa uuna  xilal kala duwan ka soo qabtay ciidanka boliiska gaar ahaan hoggaanka Interpol”

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Macalimad si ay Ardaydeeda u jecleysiiso Wax-barashada Fasalka uga dhigtay Mid Ashqaraar leh! (Sawirro)

Cabdi Cade

Weerar Gantaalo loo adeegsaday oo lagu qaaday Saldhig Mareykanka ku leeyahay dalka…

Cabdi Cade

Aqalka Sare oo Ansixiyay Hindise Sharciyeedka Aqoonsiga iyo Diiwaan-gelinta Dadweynaha (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---