Jocob Zuma oo booliiska isku dhiibay Xabsigana loo taxaabay

Madaxweynihii hore ee dalka Koonfur Afrika Jocob Zuma ayaa isku dhiibay ciidamada booliiska dalkaasi, waxaana loo taxaabay xabsiga uu ku qaadan doono mudo Sanad iyo sadex bilood ah.

Maxkamada sare ee dalka Koonfur Afrika ayaa ku xukuntay Jocob Zuma xabsi gaaraya 15-bilood kadib markii lagu helay dambiyo ay kamid yihiin musuq maasuq iyo in uu maxkamada kala shaqeyn waayay baarista kiiskiisa.

Jocob Zuma oo horey uga biyo diidanaa in xabsiga la dhigo ayaa ugu dambeyn u hogaansamay go’aanka maxkamada oo aheyd in uu isku dhiibo booliiska si loo xiro, waxaana Zuma lagu xiray xabsi kuyaala gobolka uu kasoo jeedo ee Kwazulu Natal.

Gabar uu dhalay Madaxweyne Hore Jocob Zuma oo lagu magacaabo Dudu Zuma-Sambudla, ayaa qoraal ay soo saartay ku xaqiijisay in aabaheed oo xabsiga galay ayna fiican tahay xaaladiisa caafimaad.

Jocob Zuma ayaa noqonaya Madaxweynihii ugu horeeyay ee soo mara dalka Koonfur Afrika ee xabsiga la dhigo, waxaana Zuma sheegay in uusan dembi galin balse loo dhigay Shirqool siyaasadeed .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -