Tartankii orodka gaaban ee Marathonka oo saaka Muqdisho ka dhacay (Daawo Sawirro)

Magaalada Muqdisho waxaa saaka ka dhacay tartanka Orodka Gaaban ee Marathonka oo sanadkiiba mar la qabto, waxaana soo qaban qaabiyey Wasaaradda Dhalinyarada iyo Cayaaraha  Soomaaliya iyo Maamulka gobolka Banaadir.

Boqolaal dhalinyaro u tartamayay magacyada degmooyinka gobolka Banaadir ayaa tartanka ka qeyb galay, kuwaasoo iskugu jiray hablo iyo wiilal, waxaana si wadjir ah u furay Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir Ing C/raxmaan Yariisow.

Orodka ayaa ka soo bilowday Isgoyska km4, waxaana uu ku dhamaanayey Taalada Daljirka Dahsoon iyadoo tartamayaasha kaalimaha hore ka gala la siiyey amaal marino kala duwan.

Boqollaalkii qofood ee orodkaasi ka qeyb qaadanayeen ayaa kaalinta Koowaad ee tartankaasi waxa galay Cabdi-nuur Garaad oo ka socday Degmada Kaaraan, halka ay kaalinta 2-aad ee orodkaasi ay ku guuleysatay gabadha lagu magacaabo Maryan Nuux.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -