Hogaamiye Abuu Calaa oo ku hanjabay inuu ka aargudan doono Maraykanka

Hoggaamiyaha maleeshiyo Iraqi ah oo ay Iran taageerto ayaa wacad ku maray inuu ka aargudan doono dilkii ay Mareykanka ugu geysteen afar ka mid ah ciidankiisa duqeyn ka dhacday xuduudda Iraq iyo Syria.

Abu Alaa al-Walae, hoggaamiyaha kooxda Kataib Sayyid al-Shuhada, ayaa wareysi gaar ah oo uu siiyey wakaaladda wararka AP ku sheegay inuu jiri doono howlgal militari oo qof walba uu ka sheekeyn doono.

Waxa uu sidoo kale sheegay in guusha Ebrahim Raisi, oo ah hoggaamiye mayal-adag uu ka gaaray doorashadii Iran, ay xoojin doonto kooxaha mintidiinta ah ee Bariga Dhexe, afarta sano ee soo socota.

Abu Alaa al-Walae, oo inta badan aan wareysi siisin warbaahinta ajnabiga ah, ayaa Isniintii AP kula hadlay xafiis uu ku leeyahay xaafad ka mid ah Baghdad oo ku teedsan Webiga Tigris.

Ciidamada cirka Mareykanka ayaa 27-kii June waxay meel u dhow xuduudda Syria iyo Iraq ka fuliyeen duqeymo uu Pentagon-ka sheegay in lala beegsaday xarumo ay kooxaha Iran ay taageerto u adeegsadaan in laga soo qaado weerarada diyaardaaha drone-ka ah ee laga fuliyo Iraq. Afar maleeshiyo ayaa lagu dilay howlgalkaas.

Mareykanka ayaa maleeshiyooyinka ay Iran taageero ku eedeeya inay fuliyaan weeraro loo adeegsado gantaallo iyo diyaarado Drone oo lala beegsado saldhigyada uu ku leeyahay Iraq.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -