Madaxweyne Farmaajo oo qorshe ka dhan ah Jubbaland ku cadaadinaya R/Wasaare Rooble

Waxaa sii xumaaday khilaafkii u dhaxeeyay dowlada Federaalka iyo maamulka Jubbaland, kadib markii Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe dhawaan magaalada Kismaayo ka sheegay in Doorasho ka dhaceyn Jubbaland ilaa Gedo gacanta maamulkiisa lagu soo celiyo.

Heshiis hoose ay horey u gaareen dowlada Federaalka iyo madaxweynaha maamulka Jubbaland ayaa fashilmay kadib markii dowlada ka biyo diiday in ciidamada ka saarto Gedo ayna maamulka ku wareejiso maamul hoostaga Jubbaland oo hada banaan  joog ah.

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo kamid ah Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa shaaciyay in Madaxweyne Farmaajo wado qorshe uu ku doonayo in Jubbaland loogu aqoonsado deegaan Cadaw heesto.

Waxa uu sheegay Cabdiraxmaan Cabdishakuur in Madaxweyne Farmaajo ku cadaadinayo Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Rooble in Jubbaland u aqoonsado deegaan cadaw heesto, waxa uuna uga ugu baaqay R/Wasaaraha in uusan qaadan taladaasi.

“Waxaan Xog-sugan ku helaynaa in MW Farmaajo uu ku cadaadinayo RW Rooble in uu Jubbaland u aqoonsado deegan cadow heysto, doorashana lagu qaban karin ilaa iyo inta laga xorreeynayo, haddii uu sidaas yeelo waa qar iska tuurnimo iyo daldalaad siyaasadeed, waxaana ugu baaqayaa RW Rooble in uusan taladaas yeelin” ayuu ku yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur .

Hogaamiyaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa kasoo horjeeda sida hada dowlada u wado doorshada la filayo in dalka ka dhacdo, waxaana suurto gal ah in dowlada ku dhawaaqdo go’aano adag oo ka dhan ah maamulka Jubbaland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -