Allbanaadir.com
GALMUDUGNEWS

Milatariga Soomaaliya oo Al Shabaab kala wareegay Baacadweyne iyo Deegaano kale

Ciidanka milatariga Soomaaliya gaar ahaan qeybta 21-aad ay wehliyaan ciidamada dowlad goboleedka Galmudug ayaa saakay la wareegay deegaanka Bacaadweyn iyo deegaano kale oo katirsan gobolka Mudug.

Sida aan wararka ku helnay ciidamada milatariga ayaa weerar ku qaaday deegaanka Bacaadweyn oo dhawaan Al Shabaab la wareegeen kadib markii ciidanka milatariga isaga baxeen, Al Shabaab ayaana dhankooda mar kale isaga baxay deegaanka Bacaadwen.

Wasiirka amniga dowlad goboleedka Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in ciidanka dowlada iyo kuwa Galmudug saakay la wareegeen deegaanada Bacaadweyne, Tuulada Qaycad iyo Sabeeno Gawrac .

Waxa uu sheegay Wasiirka Amniga Galmudug in ciidanka wadajira hada maamulayaan deegaanada Al Shabaab laga saaray, waxa uuna amaan u jeediyay ciidamada milatariga Soomaaliya iyo kuwa Galmudug oo Al Shabaab kala wareegay deegaanada Mudug katirsan.

Deegaanka Bacaadweyn oo dhoor mar ku dagaalameen ciidanka milatariga oo garab ka helayay dadka deegaanka iyo Al Shabaab ayaa markii dambe waxaa isaga baxay ciidankii halkaasi joogay waxaana la wareegay oo mudooyinkan maamulayay kooxda Al Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Goobo ganacsi oo kuyaalla Muqdisho oo saakay la qarxiyay iyo khasaarooyin ka dhashay

Cabdi Cade

Culumaa’udiin Dibadda ka yimid oo kulan soo dhaweyn ah loogu sameeyay Muqdisho (Sawirro)

Cabdi Cade

Hay’adda Duulista Rayidka iyo ICAO oo kawada hadlay arrimo badan oo muhiim ah

Cabdi Cade
Taboola Ads ---