Allbanaadir.com
NEWS

Murashaxiinta qaarkood oo Olole nuuc cusub ah ka bilaabay magaalada Muqdisho

Waxaa dhawaan la filayaa in dowlad goboleedyada dalka iyo magaalada Muqdisho ay ka bilowdaan doorashada Xildhibaanada labada aqal ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya , doorashada ayaana sanadkan u muuqata mid adag oo ka xiiso badan kuwii hore.

Murashaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya qaarkood ayaa magaalada Muqdisho ka bilaabay olole cusub ay ku kasbanayaan odayaasha dhaqanka iyo ergooyinka laga yaabo in ay soo doortaan Xildhibaanada codkooda lagu kala bixi doono.

Xubnaha ugu cad cad musharaxiinta ayaa xarumahooda ku marti galiya odayaasha saxiixayaasha ah ee soo qoraya ergada iyo sidoo kale odayaasha kale  ee saameynta ku dhax leh beelaha oo iyana wax kasoo xulaya ergad jufooyinka hoose.

Murashaxiinta ayaana odayaasha iyo ergooyinka qaar laga yaabo in doorashada ka qeyb galaan ka codsanaya in ay soo doortaan murashaxa markaasi ay la rabaan in uu kusoo baxo kursiga Xildhibanaimo.

Waxa ayna murashaxiinta balanqaadyo kala duwan u sameenayeen odayaasha iyo xubnaha kale ee la kulmeen hadii ay soo saaraan shaqsiyaadka ay rabaan, waxaana ololahan cusub hada si weyn looga dareemayaa Muqdisho.

Murashaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa wata shaqsiyaad dhoor ah ay la doonayaan in ay kamid noqdaan Baarlamanaka cusub ee lasoo dooranayo, waxa ayna Musharaxiinta qaar durba bilaabeen in odayaasha ka gadaan xubnahya ay wataan.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Daawo Sawirro) Madaale oo shaaciyey hal arrin oo uu ku bixiyay waqtigiisa ugu badan

Caydiid Ali

Qarax khasaare geystay oo lagu weeraray ciidamada Kenya & faahfaahino ka soo baxaya

Caydiid Ali

War Cusub Guddiga joogtada oo laalay Mooshinkii laga gudbiyay Jawaari iyo sababta ka dambeysa

Caydiid Ali