Hay’adda Duulista Rayidka iyo ICAO oo kawada hadlay arrimo badan oo muhiim ah

Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed , Mudane Axmed Macallin Xasan ayaa la kulmay hoggaanka sare ee xafiiska bariga iyo koonfurta Afrika (ESAF) ee Hay’adda duulista Adduunka ee ICAO,iyagoo ka wada-hadlay qorshashayaasha horumarinta u leh Soomaaliya.

Kulanka inta uu socday ayaa la boggaadiyay horumarada ay sida dhaqsada leh u gaartay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed, halkaa oo sidoo kale lagu soo bandhigay warbixintii u dambeeysay ee qorsheynta iyo horumarinta Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya.

“ Natiijada kullamadan , waa inan gaarna hiigsiga u sarreeya ee ah horumarka Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed inuu noqdo mid wax u tara qarankeenna iyo guud ahaan qaaradda iyo caalamka ,” ayuu yiri Maareeyaha guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed Mudane Axmed Macallin Xasan.

Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed , waxaa kalo ay soo bandhigtay qorshaheeda dhow ee horumarinta qalabka iyo howlwadeennada oo gacan ka gaysanaya dardar-gelinta qorshaha guud ee Hay’adda Duulista Rayidka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -