Goobo ganacsi oo kuyaalla Muqdisho oo saakay la qarxiyay iyo khasaarooyin ka dhashay

Kooxda Al Shabaab ayaa kordhisay beegsiga iyo cabsi gelinta xarumaha ganacsi ee kuyaalla magaalada Muqdsho, kuwaa oo fuliyay ammarka dowladda ee ahaa in ay xirtaan kaamirooyinka CCTV.

Xarumo ganacsi oo kuyaalla laamiga 30-ka gaar ahaan agagaarka labo dhagax ayaa saakay Al Shabaab miinooyin ku qarxiyeen, waxaana qaraxyadan ka dhashay khasaaro maaliyadeed oo soo gaaray goobaha la qarxiyay.

Sida aan wararka ku helnay xubno katirsan Al Shabaab ayaa qaraxyo miino ay baco ku wadeen gudaha u galiyay goobaha ay qarxiyeen, waxa ayna wararka qaar sheegayaan in rag socda handadayaan ganacsatada ammarka dowladda fuliyay.

Qarax kale oo miino ayaa sidoo kale saakay ka dhacay suuqa Bakaaraha , gaar ahaan halka loo yaqaan Cirtoogte, qaraxan ayaa isa lagu weeraray goob gaacsi oo kaamiro lagu xiray, waxaana wararku sheegayaan in qaraxaasi labo dumaR ah ku dhaawacmeen.

Dowladda Soomaaliya ayaa goobaha ganacsi ee kuyaalla Muqdisho ku amartay in ay xirtaan kaamirOoyinka CCTV, kooxda Al Shabaab ayaa dhankeeda iyana ganacsatada ku amartay in ay kaamiro xiran , iyagoona hanjabaad adag u jeediyay ciddii xirataa CCTV.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -