Allbanaadir.com
NEWS

Siyaasi caan ah oo ugu baaqay Farmaajo in cudur daar siiyo Aadan Cadde iyo C/rashiid Cali

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa si adag uga falceliyay Wareysi uu bixiyay Madaxweynaha Soomaaliya uu uga sheekeenayay taariikhda Madaxweynihii ugu horeeyay Soomaaliya Aadan Cabdulle Cismaan (Aadan Cadde).

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ugu baaqay Farmaajo in marka hore cudur daar ka bixiyo gef uu sheegay in uu u geestay Madaxweyne hore Aadan Cadde iyo Madaxweynihii kuxigay Cabdirashiid Cali Sharmaarke uu xusay in buug uu qoray Farmaajo ugu gefay.

Halkan ka Akhriso Qoraalka uu arintan uga hadlay Cabdiraxmaan Cabdishakuur

Allaha u naxariistee Madaxweyne Aadan C/lle Cismaan halgaamaa Soomaaliyeed oo garba duuban ajnabi uma gacan gelin, uma dirin dhalinyaro Soomaaliyeed in ay dal shisheeye u diriraan, siyaasiyiin ka aragti duwan weerar kuma qaadin, dastuurka kuma tuman, deegaano Soomaaliyeed ma cunaqabatayn, muddo kororsi dagaal uma oogin, siyaasad qamaar iyo qar iska tuur ah ma gelin. Ma aha Madaxweyne Aadan in afka la ga sheegto ee waa in dhaqankiisa lala yimaado.
 
Farmaajo labo jeer waa in uu Aadan Cade cudur daar siiyaa. Marka koowaad waa gefkii uu u gaystay kaddib markii uu bogga 50-aad ee buuggii uu kaga qalinjebiyey shahaadada labaad ee Jaamacadda (Master) ku sheegay in Aadan Cadde iyo C/rashiid Cali Sharmarke, AUN, ay ahaayeen adeegayaal isticmaar, qabiilladooduna ay gumaystaha gacansaar la lahaayeen.
 
Tan labaad, waa in uu ka raalli geliyaa siduu ugu dheelay qarankii uu budhigayaashiisa ka midka ahaa, dowladnimadana ugu gabood falay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ra’isul Wasaare Xamse oo la kulmay Alper AktaÅŸ kalana hadlay dhibaato dhacday (Sawirro)

Cabdi Cade

Koox si qarsoodi ah uga ganacsan jirtay jirka Bini’aadamka oo gacanta lagu dhigay

Cabdi Cade

Madaxweynaha Somalia oo War kulul ka soo saaray qaraxyadii maanta ruxay Muqdisho

Caydiid Ali
Taboola Ads ---