Guddiga Doorashada oo Gudoon cusub dooranaya iyo Villa Somalia oo olole wada

Guddiga Doorashadsa heer federaal ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda ay doortaan Gudoon cusub, waxaana durba qabashada Gudoomiyaha guddiga doorashada isku soo taagay dhoor musharax.

Sida aan wararka ku heleyno Villa Soomaaliya ayaa wada olole xoogan ay ku dooneyso in guddiga doorashada gudoomiye u noqdo xubin iyaga ay wataan si maamulka iyo hagida guddiga doorashada gacantooda uga bixin.

Xubno katirsan guddiga doorashada oo xiriir dhaw la leh Villa Soomaaliya ayaa olole xoogan ka dhax wada xubnaha guddiga si gudoonka uu yeelanayo guddiga doorashada u noqdaan xubno Villa Soomaaliya raali ka tahay.

Gudoomiyihii hore ee guddigii doorashada khilaafka abuuray Cirro ayaa mar kale sheegay in uu u sharaxan yahay gudoomiyaha guddiga doorashada, waxaana ninkan horey loo tuhmayay in Villa Soomaaliya wadatay.

Guddiyada doorashada iyo xalinta khilaafaadka doorashada heer federaal ayaa hada iska dhax doortay Gudoon, waxaaana labadaasi guddi hada gudoominaya labada shaqsi ee ugu da’da weyn xubnaha guddigaasi.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -