Madaxweyne Deni oo Qado sharaf loogu sameeyay Deegaanka Dalxiiska Goobweyn (Sawirro)

Madaxweynaha Jubaland  Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta deegaan dalxiiseedka Goobweyn qado sharaf ugu sameeyay Madaxweynaha  Puntland Mudane Siciid Cabdullahi Dani iyo wafdi la socda oo booqasho ku jooga Kismaayo.

Deegaanka Goobweyn oo ah goob dalxiis oo inta badan tagaan madaxda iyo dadka kale ee taga Kismaayo ayaa waxaa qado sharaf loogu sameeyay Madaxweynaha Puntland Siciid Deni iyo madax kale oo la socotay .

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ayaa waqti badan ku qaatay deegaanka Goobweyn, waxa ayna masuuliyiintan iyo dadkii kale ee la socday sawirro kusoo galeen qeybo kamid ah deegaanka Goobweyn.

Madaxweynaha Puntland Siciid Deni oo maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa magaalada Muqdisho ayaa shalay gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee maamulka Jubbaland, waxaana la filayaa inta uu magaaladaasi joogo la kulmo bulsho kala duwan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -