Qoys Afar Maalmood ku noqday Bilyaneer balse mar kale xaalkoodu is bedelay !!

Qoys ku nool magaalada Louisiana ee dalka Maraykanka ayaa la kulmay arrin filan waa ah kadib markii ay ogaadeen in $50 bilyan oo doollar si lama filaan ah loogu shubay akoonkooda bangiga, sida ay sheegayaan warbaahinta dalka Maraykanka.

Darren James, oo 47 sano jir ah, ayaa sheegay inuu ka yimid xaruntiisa shaqada ee Baton Rouge bishii June 12, kaddib markii ay xaaskiisa tustay lacag badan oo lagu soo shubay taleefankeeda gacanta.

“Waxaan is weydiiyay, ‘Xagay ka timid lacagtan?'” James ayaa Axaddii sidaas yiri xilli uu waraysi siinayay Telefishanka FOX. “Waxa kaliya ee aan ka fikiraynayna waxay ahayd yaa albaabkeena garaacaya … maxaa yeelay ma ogin qof leh lacagta noocaas ah.”

Qoyska ayaa isla markiiba la xiriiray bangiga Chase, sida uu sheegay aabahan oo haysta labo carruur ah.

James, oo horey uga soo shaqeeyey Waaxda Badbaadada Dadweynaha ee Louisiana, ayaa sheegay in uusan waligiis ka fikirin inuu lacagta qarsado oo uusan qofna la wadaagin.

“Waan ogayn inaysan ahayn lacagteena. Ma aanan kasban, sidaas darteed waxba kuma qaban karno,” James ayaa sidaas yiri.

Afar maalmood kadib, bangiga , ayaa ugu dambayntii saxay khaladka, waxaana qoyskaasi dib looga celiyay lacagtii sida khaladka ah loogu soo shubay akoonkooda taa oo soo gabo gabeesay in ay sii ahaadaan bilyaneer.

Afhayeen u hadlay shirkadda ayaa u sheegay telefishanka FOX war qoraal ah oo ay soo saartay shalay in cilad farsamo ay ku dhacday todobaad ka hor oo saamayn ku yeeshay xisaabaha bangiga. “Arrinta waa la xaliyay xisaabaadkaasna hadda waxay muujinayaan isku dheelitirnaan sax ah.”

Balse James wuxuu sheegay in bangigu uusan wali u sheegin sida khaladku uu u dhacay. Aabaha ayaa sidoo kale isweydiinaya in akoonkiisa la jabiyay iyo in kale.

Source-bbc

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -