Khasaaraha ka dhashay qaraxii Ismiidaaminta ee Muqdisho oo kordhay iyo ciidamo badan oo .,..

Waxaa sii kordhaya khasaaraha dhimasho ee ka dhashay qarax ismiidaamin ah oo galabta nin waxyaabaha qarxa isku soo xiray ka geestay maqaayad kutaala Isgooska Jubba ee magaalada Muqdisho.

Qaraxan ayaa lala eegtay maqaayada shaaha laga cabo laguna sheekeesto oo kutaala isgooska Jubba ee Degmada Shibis, waxaana ninka isqarxiyay mar qura dhax galay askar iyo dad badan oo maqaayadaasi fadhiyay.

Sida aan wararka ku helnay askar katirsan ciidanka dowlada ayaa kamid noqday dadkii qaraxaasi ku dhintay, waxaana sawirada askarta qaar ee geeriyootay lagu baahiyay baraha bulshada

In ka badan 10-qof oo kamid ah dadkii ku sugnaa Maqaayada la isku qarxiyay ayaa goobtaasi ku dhintay, waxaa sidoo kale ku dhaawacmay dad kale oo badan oo qaarkood la sheegay in dhaawacyo culus qabaan.

Dadkii ku sugnaa goobta qaraxa ka dhacay ayaa mar qura argagax badan la kulmay, waxaana dadka qaraxa waxyeelada kasoo gaartay qaarkood kusoo dumay darbiga dhismaha maqaayada qaraxa ka dhacay.

Qaraxyada ismiidaaminta ah ee fuliyaan dadka waxyaabaha qarxa isku soo xira ayaa kusoo badanaya magaalada Muqdisho, waxaana qaraxii ugu dambeeyay oo nuucan ah uu ka dhacay afaafka hore ee Xerada ciidanka milatariga lagu tababaro ee Jeneraal dhago badan.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -