Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dabageed oo shacabka B/weyne u diray fariin ku aadan doorashadda ku soo wajahan

wKusimaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne Kuxigeenka Dowladda Hirshabeelle Mudane Yuusuf Axmed Hagar ayaa xalay munaasabad casho sharaf mahadcelin ah u sameeyay Bulshada Magaalada Beledweyne.

Dabageed ayaa munaasabada casha sharafta uga mahadceliyay Maamulka Gobolka Hiiraan, Kan Degmada Beledweyne, Ciidamada Qalabka Sida iyo Fananiinta Qaranka Soomaaliyeed eeĀ  si habsamida leh isugu dubariday munaasabadaha maalmaha xuriyada ee Magaalada Beledweyne lagu qabtay.

Kusimaha Madaxweynaha oo munaasabada ka hadlayĀ  ayaa Bulshada Magaalada Beledweyne ugu baaqay ka shaqeynta Amniga, isagoo sheegay in Dowladda Hirshabeelle diyaar u tahay inay la fariisato oo ay qanciso cidwalba oo wax tabanaysa.

Waxaa uu sidoo kale ka hadlay Arrimaha Doorashooyinka, isagoo tilmaamay in dhowaan ay bilaaban doonaan doorashooyin Aqalka Sare oo si cadaalad ah ay u maamuli doonaan, waxa uu intaa ku daray in bulshada Magaalada Beledweyne ay u diyaar garowaan Doorashooyinka Golaha Shacabka iyo marti gelinta ergooyinka wax dooranaysa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dagaalyahano kasoo goostay Al Shabaab oo lasoo bandhigay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Dagaalyahan isaga oo Dhaawac ah lasoo qabtay oo xukun adag lagu riday (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Ra’isul Wasaare Xamse oo si weyn loogu soo dhaweeyay Laascaanood

Cabdi Cade
Taboola Ads ---