Allbanaadir.com
NEWS

Dagaalyahano kasoo goostay Al Shabaab oo lasoo bandhigay (Daawo Sawirada)

Labo dagaalyahan oo katirsanaa kooxda Al Shabaab ayaa lagu soo bandhigay Degmada Diinsoor Ee Gobolka Baay, kadib markii ay ay kasoo goosteen Al Shabaab iskuna soo dhiibeen ciidanka dowlada.

Guddoomiyaha Degmada Diinsor Ee Gobolka baay Ibrahim Maxamed Nuur (Shig Shigow) ayaa sheegay in labadan dagaalyahan oo wata hubkooda ay kasoo goosteen Al Shabaab iskuna soo dhiibeen ciidanka Xooga dalka ee jooga Diinsoor.

Labadan dagaalyahan ee kasoo goostay Al Shabaab ayaa lagu magacaabaa  Maxamed Xasan Cusmaan oo 25- sano jir ah oo mudo hal sano ah katirsanaa Al Shabaab iyo Xuseen Marshaale Maxamed oo 19 sano jir ah oo isna Al Shabaab labo sano katirsanaa.

Maamulka Degmada Diinsoor iyo saraakiisha ciidanka xooga ayaa soo dhaweeyay labadan dagaalyahan ee kasoo baxay Al Shabaab iskuna soo dhiibay dhankooda, waxa ayna ugu baaqeen dagaalyahanada kale in ay cafis ka faa’iideestaan kana soo tagaan Al Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Ra’isul Wasaare Xamse oo ugu baaqay dadka Soomaaliyeed in aysan dhayalsan Digniinaha loo dirayo

Cabdi Cade

Dowladda oo lagula taliyay in Wadahadalka Itoobiya labo arrin ku adkeesato

Cabdi Cade

Meydka Gabar yar oo si arxan daro ah loo dilay oo lagu arkay magaalada Gaalkacyo

Cabdi Cade
Taboola Ads ---