James Swan oo Madaxda dalalka Carabta qaarkood kala hadlay doorashada Somalia

Ergeyga Qaramada Midoobey Soomaaliya James Swan ayaa kulamo la qaatay madax ka tirsan dalka Sacuudiga, Masar, Imaaraadka, kadib booqasho uu ku tagay dalalkaasi.

Swan ayaa tagay magoolooyinka Riyaad, Dubai  iyo Qaahira, waxaa uuna halkaasi shir gaar gaar ah uu kula yeeshay xubno heer wasiiro ah oo ka socday dalalkaasi.

Maadaama Soomaaliya ay ku jirto xilii doorasho ah Waxaa kulamada looga hadlay arrimaha amniga, doorashooyinka iyo dagaalka Al-shabaab.

Dhamaan dhinacyada ayaa ammaanay qaabka ay u socoto qaban-qaabada arrimaha doorashada iyo jadwalka ay soo saareen madaxda Soomaalida.

James Swan ayaa horey kulamo ula qaatay masuuliyiin ka tirsan  wadamada Jabuuti, Kenya iyo Itoobiya oo uu kala hadlay arrimaha Soomaaliya gaar ahaan doorashada iyo amniga.

Soomaaliya ayaa dhowaan waxaa ka bilaabanaya doorashada labada aqal ee Baarlamanka iyo madaxweynaha oo ugu dambeyn la soo gebagebeynayo 10-ka October ee sanadkan sida qorshuhu yahay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -