Dagaalyahan isaga oo Dhaawac ah lasoo qabtay oo xukun adag lagu riday (Daawo Sawirada)

Maxkamada ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa xukun xabsi daa’in ah ku riday dagaalyahan katirsan Al Shabaab oo lasoo qabtay isaga oo dhaawac ah xili uu dagaal kula jiray ciidanka dowlada.

Maxkamada ayaa sheegtay in Cabdiraxmaan Cumar Cabdi Daawle (Xamza) uu kamid ahaa dagaalyahanada Al Shabaab gaar ahaan kuwa weerarada fuliya , waxa ayna Maxkamada sheegtay in Sh/Hoose lagu soo qabtay 26-kii September 2019 isaga oo dhaawac ah.

Ninkan Maxkamada xukunka ku riday ayaa xiliga ciidamada dowlada soo qabanayeen la sheegay in dhaawac uu soo gaaray, waxaana ninkan mid kamid ah lugihiisa looga jaray isbitaal kuyaala Muqdisho kadib markii wax laga qaban waayay lugtaasi xaaladeeda.

Qareenka Cabdiraxmaan Cumar Cabdi Daawle ayaa Maxkamadda ka hor sheegay in Eedeysanaha uu aad u yaraa xilligii uu Al shabaab ku biirayay, sidaas darteed ayuu garoosrayaasha weydiistay in loo fiiriyo qodobada fududeyn karo ciqaabtiisa.

Garsoorayaasha Maxkamada ayaaa ugu dambeyn go’aan ku gaaray Cabdiraxmaan Cumar  lagu xukumo xabsi daa’in sida uu dhinacyada dacwadda u sheegay Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute, guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada.

Ninkan xukunka lagu riday ayaa maxkamada ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya sheegtay in uu racfaan ka qaadan karo xukunka lagu riday ee xabsi daa’inka mudo 30-cisho gudaheed ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -