Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare Xamse oo si weyn loogu soo dhaweeyay Laascaanood

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre  iyo wafdi uu hoggaaminayo ,ayaa  goordhaw gaaray magaalada Laascaanood ee  xarunta maamulka SSC Khaatumo.

Xamse iyo wafdigiisa waxaa si weyn garoonka diyaaradaha Laascaanood ugu soo dhaweeyay Wasiirro iyo xildhibaanno katirsan labada aqal ee Baarlamaanka Federaalla , madaxda Khaatumo iyo bulshada Laascaanood.

Xamse Barre oo Laascaanood ku tagay socdaalka Nabadda iyo Midnimada Ummadda Soomaaliyeed, ayaa inta uu joogo magaaladaasi la kulmi dooma madaxda Khaatumo, Garaadada gobolka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada Laascaanood.

Screenshot

Related posts

Farmaajo oo la sheegay in Dastuurka iyo Danta Qaranka uu kala weyn yahay Fahad Yaasin

Cabdi Cade

Madaxweyne hore oo baaq deg deg ah kasoo saaray dagaalka ka socda Baladweyne

Cabdi Cade

Ra’isul Wasaare Xamse oo ka hadlay Qaraxyadii Baledweyne Amar degdeg ahna bixiyay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---