Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

TikTok oo barteeda ka baabi’isay cinwaano ka badan todoba Milyan & sababtaka dambeysa

Maamulka TikTok ayaa bartaas ka saaray ku dhowaad 7.3 milyan oo cinwaan oo ay lahaayeen carruur da’doodu ka yartahay 13 sano jir sida ay ku sheegtay War ay soo saartay.

TikTok ayaa intaas ku dartay inay ku qiyaastay cinwaanadaas in ka yar 1% marka la barbardhigo tirada guud ee isticmaaasha bartaas.

Carruurta da’doodu tahay 13 sano iyo wixii ka weyn ayaa loo oggol yahay inay isticmaalaan barta TikTok, iyada oo la sheegay in ay aad u jecel yihiin dhalinyarada.

Waxay sheegtay inay rajaynayso faahfaahinta ku saabsan dadka da ‘yarta ee adeegsada inay ka caawin doonto shirkadaha inay horay u sii socdaan markay tahay daah furnaanta iyo isla xisaabtanka ku saabsan badbaadada.

TikTok ayaa sidoo kale sheegtay inay soo saartay dhowr tallaabo oo lagu ilaalinayo dhalinyarada ku jirta bartooda, oo ay ku jiraan xaddidaadda astaamaha sida farriimaha gaarka loo leeyahay iyo toos u socoshada dadka isticmaala ee ay da’doodu tahay 16 sano jir iyo wixii ka weyn.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Macalimad fal argagax leh kula kacday caruur ay wax bareysay oo dil lagu xukumay

Caydiid Ali

Ra’isul Wasaare Xamse Barre oo wada Wadatashiyada dhismaha Xukuumada cusub (Sawirro)

Cabdi Cade

Sii-hayaha Duqa Muqdisho oo Magacaabay guddi ka kooban Sagaal xubnood (Akhriso)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---