Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Macalimad fal argagax leh kula kacday caruur ay wax bareysay oo dil lagu xukumay

Haweeney macallimad ah oo lagu eedeeyay inay sumeysay 25 carruur ah, oo uu midkood geeriyooday ayaa maanta dil lagu xukumay ka dib markii la soo taagay Maxkamad ku taalla dalka Shiinaha.

Wang Yun ayaa la xiray sanadkii hore kaddib markii carruurta dugsi xannaano oo ku yaalla magaalada Jiaozuo loola cararay isbitaalka markii ay cuneen boorash subixii la siiyo.

Maxkamadda ayaa sheegtay in haweeneyday ay maaddada Sodium nitrite ugu dartay quraacda carruurta oo uu qof kale macallin u ahaa, iyadoo ka aargoosaneysay muran ku aaddan dhanka maamulidda carruurta oo dhexmaray.

Falkan ayaa dhacday 27-kii March ayaa ka yaabiyay Shiinaha, waxayna qabsatay warbaahinta caalamka oo si weyn u hadal heysay xiligaas.

Waxaa xilligaas la sheegay in 23 carruur ah ay matageen ayna suuxeen kaddib markii ay quraacdeen. Sodium nitrite waxaa loo adeegsadaa hilibka, balse  sun ayay isku beddeli kartaa hadii wax badan laga cuno.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xassan oo qaabilay Wasiirka Tamarta & Kheyraadka Turkiga (Sawirro)

Caydiid Ali

Jim Langevin: “Ciidankeena oo Somalia laga saaro waa iyadoo la isku dhiibay Al-Qaacidda”

Caydiid Ali

Wararkii Ugu Dambeeyay Qaraxii Ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay Muqdisho (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---