Puntland oo si kulul uga hadashay Wararka sheegaya in la sii daayey raggii dilay Caa’isha Ilyaas

Guddoomiyaha gobolka Mudug ee maamulka Puntland C/qaadir Xuseen Nuur Dirir ayaa si kulul u beeniyey warar maalmahan la isla dhexmarayey oo sheegay in la sii daayay  qaar ka mid ah raggii ku eedeysanaa dilka iyo kufsiga Caa’isha Ilyaas Aadan loogu geystay Gaalkacyo dhowr bilood ka hor.

C/qaadir Xuseen Nuur Dirir ayaa intaas ku daray in ragga ku eedeysan kiiska Caaisha loo gudbiyay Maxkamadda magaalada Garowe isla markaasna maalmaha nagu soo aadan  Maxkamad la soo taagi doono

“Ragga loo hayo kiiskan waxay gaarayaan 11 nin intooda badan cadeymo buuxa ayaa loo hayaa, kuwo kalena tuhun xoog leh ayaa laga qabaa, maxkamad ayaana la soo taagi doonaa dhowaan, mana jiraan wararka sheegaya in dadkii loo xiray falkaas qaarkood la sii daayey, hadii wax la sii deynayo maxkamad kaliyaa awood u leh” ayuu yiri gudoomiyaha.

Hadalka guddoomiyaha ayaa soo baxay saacado ka dib markii magaalada Gaalkacyo ay isaga guureen qoyska Caasha Ilyaas Aadan, waxaana jira warar sheegaya in cadaalad, daro iyo hanjabaad ay la kulmeen.

Aabaha dhalay Caaisha ayaa sheegay in sababta magaalada Gaalkacyo ay uga guureen ay tahay inay goconayaan xannuunka geeridii gabadhooda isla markaasna aysan ku nagaan karin magaaladii ay masiibadaasi kala kulmeen.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in reerka ay u guureen magaalada Goldogob ee isla gobolka Galmudug, isagoo ka gaabsaday inuu ka hadlo wararka sheegaya iney la kulmeen cadaalad daro iyo handadaad.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -