Rooble oo qaaday talaabadii 1aad ee lagu soo afjarayo khilaafkii DF & Jubbaland ee Gedo

Ra’iisul Wasaaraha Somalia Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay Guddiga Dib-u-heshiisiinta Gobolka Gedo oo ka kooban 4 xubnood oo ka kala socda Maamulada Koonfur Galbeed, Puntland, Hirshabelle iyo Galmudug

“RW Rooble isagoo tixraacaya heshiiskii 27-kii May 2021, sida oo kale na tixgelinaya baahida loo qabo dardar gelinta geeddi-socodka doorashada waxa uu  magacaabay Guddiga Dib-u-heshiisiinta Gobolka Gedo” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo ka soo baxay.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa faray xubnaha guddiga la magacaabay in si deg deg ah ay u guda galaan xalinta arrimaha khilaafaadka gobolka Gedo, iyagoo latashiyo la sameynaya dhammaan dhinacyada ay khuseyso.

Talaabadan ayaa qeyb ka aheyd heshiiskii 27-kii May 2021 ee lagu xaliyey khilaafkii DF iyo maamulka Jubbaland, kaasoo la xiriiray arrinta gobolka Gedo, waxayna dhowaan booqan doonaan gobolka Gedo.

Hoos ka akhriso magacyada guddiga

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -