Niyad Jab lasoo darsay Musharaxa Dowlada la rabto Madaxweynaha Koonfur Galbeed

Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya waxaa ka socda olole xoogan ay wadaan musharaxiinta u tartameysa Xilka Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed .

Doorahada Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa lagu wadaa in 5-ta bishan December ka dhacdo magaalada Baydhabo, waxaana doorashada ka tanaasulay musharixiin dhoor ah kadib faragalin ay sheegeen in dowlada Federaalka ku heyso Doorashada.

Dowlada Federaalka ayaa taageero dhinac waliba waxa ay la garab istaagtay Cabdicasiis Lafta Gareen oo kamid ahaa Wasiirada Xukuumada Soomaaliya, waxa ayna dowlada dadaal walbo ku bixineysaa sidii ninkan u noqon lahaa Madaweynaha Koonfur Galbeed.

Sida aan Wararka ku heleyno Musharaxa ay dowladu taageereyso ee Lafta Gareen ayaa waxaa lasoo darsay niyad jab, kadib markii shan kamid ah Musharaxiinta Madaxweynaha Koonfur Galbeed u tanaasuleen Sheekh Mukhtaar Roobow.

Musharax Abuu Mansuur kuxigeenka Amiirkii hore ee Al Shabaab ayaa hada heesta taageerada ugu badan ee bulshada ku dhaqan deegaanada Koonfur Galbeed, waxa uu sidoo kale taageero ka heestaa Xildhibaano badan oo kamid ah kuwa Koonfur Galbeed.

Doorashada ugu adag ayaa la filayaa in ay dhax marto Mukhtaar Roobow iyo Cabdicasiis Lafta Gareen, waxaana la saadaalinayaa in labadaan musharax midkood ku guuleesan doono Madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Musharax Lafta Gareen ayaa heesta dhaqaalo badan uu ku iibsan karo codka Xildhibaanada halka Musharax Roobow isna kalsooni badan ku qabo in Xildhibaanada lacagta ka qaataan Musharaxa la tartamaya kadibna codkooda isaga siiyaan.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in Musharax Lafta Gareen aad uga niyad jabsan yahay taageerada xad dhaafka ah uu helayo Abuu Mansuur , waxa uuna bilaabay Musharaxan in Xildhibaanada u balan qaado lacago waali ah si ay codka u siiyaan.

Shacabka Koonfur Galbeed ayaa aad taageersan Abuu Mansuur oo horey xilal sare uga soo qabtay Ururka Al Shabaab, waxa ayna aaminsan yihiin hadii Abuu Mansuur uu noqdo Madaxweynaha Koonfur Galbeed xaalada maamulkaasi wax badan ka badeli karo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Nairobi-Kenya

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -