(Akhriso) Dowlada Soomaaliya oo digniin kama dambeys ah u dirtay 12 Jaamacadood

Guddiga Qaranka ee Tacliinta sare ee Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta ee Soomaaliya ayaa maanta soo saaray liiska 12 Jaamacadood oo digniin kama dambeys ah loo diray

Qoraal ka soo baxay Guddiga ayaa lagu faray Jaamacadahaas inay la soo xiriiran muddo 10-maalmood gudahood ah haddii ay mudadaas la soo xiriiri waayana waxaa loogu hanjabay in lagala laaban doono ruqsadii iyo diiwaan-gelintii ay hore u siisay Wasaaradda waxbarashada

Jaamacadaha digniinta loo diray waxaa ku jira qaar ka tirsan Jaamacadaha ku yaalla Somaliland oo sheegata inay tahay dal madax banaan oo ka go’ay Soomaaliya inteeda kale.

Hoos ka akhriso Qoraalka guddiga

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -