Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Xogta kulan dhexmaray Madaxweyne Guudlaawe iyo Danjire Tim Trenkle

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta kulan la qaatay Safiir Ku-xigeenka Dowladda Maraykanka u fadhiya Soomaaliya Danjire Tim Trenkle.

Kulankaan ayaa looga hadlay guulaha muhiimka ah ee laga gaaray dagaallada lagula jiro kooxda Al-shabaab iyo dardargalinta wajiga 2-aad ee howlgallada ee lagu ciribtirayo oo dhowaan ka bilaaban doona deegaannada Hirshabeelle sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay madaxtooyada Hirshabelle.

Sidoo kale kulankan ayaa sidoo kale looga hadlay sare u qaadidda mashaariicda horumarineed gaar ahaan muhiimadda uu bulshada u leeyahay barnaamijka xasilinta oo lagu horumarinayo deegaannada laga xoreeyey Al-shabaab.

Safiir Ku-xigeenka Dowladda Maraykanka u fadhiya Soomaaliya Danjire Tim Trenkle ayaa bogaadiyey doorka dowlad goboleedka Hirshabelle ka qaadaneyso la dagaalanka Al-shabaab.

Danjire Tim Trenkle ayaa balan-qaaday inuu dowladiisa ay xoojineyso taageerada iyo garab istaaga dagaalka ka dhanka ah wax uu ugu yeeray kooxaha argagaxisada ah.

Related posts

Weerar Bambaano oo lagu qaaday guri lagu caweeyo oo kuyaala Muqdisho

Cabdi Cade

Safiir u dhashay dalka Ingiriiska oo shaqada laga joojiyay kaddib markii uu qoray ku taagay …

Cabdi Cade

Hogaamiyihii ugu horeeyay oo reer Galbeed ah oo gaaray Beyrut kadib qaraxii gilgilay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---