Trump oo u hanjabay Saraakiisha bixiyey sirtiisa hada sababtay mooshinka xil-ka-qaadista

Xisbiga Dimuquraadiga ayaa dardar geliyey baaritaanka ku aadan in Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu awoodiisa si khaldan u isticmaalay kadib markii la helay xogta Telefoon uu kula hadlay Madaxweynaha Ukraine oo uu ka codsaday inuu kala shaqeeyo olole ka dhan ah Murashaxa Xisbiga Dimuquraadiga Joe Biden.

Xogtan laga helay xiriirka Telefoon ee dhexmaray Trump iyo Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky bishii July ayaa lagu beegay xili uu Madaxweynaha Maraykanka joojiyey lacagtii uu dalkaasi siinjiray Ukraine, Trump ayaa kadib markaa codsaday Ukraine inay baaritaan ku sameyso ganacsiga uu dalkaasi Ukraine ku lahaa wiil uu dhalay Joe Biden Madaxweyne kuxigeenkii hore ee Maraykanka oo hada ah murashaxiinta Xisbiga Dimuquraadiga ee xilka kula tartamaya Trump.

Madaxweyne Ukraine Volodymyr Zelensky oo doonayay in loo fasaxo lacagta Trump ka xanibay ayaa ka ogolaaday Madaxweynaha Maraykanka inay kala shaqeyn doonaan arrintaasi uu codsaday, waxayna tani ka horimaaneysaa sharuucda u yaala dalka Maraykanka ee xakameenaya awooda Madaxweynaha inuu dal shisheeye ka codsado taageerada ololihiisa doorashada.

Waxaa xogtan faah faahiyey sarkaal dowlada u shaqeeya oo aan illaa iyo hada la shaacin magaciisa oo diyaariyey dacwadan uu u gudbiyey Madaxa sirdoonka sida uu sharciga qabo sheegay in arrintan ay tahay ku takrifal awooda Xafiiska Madaxweynaha, qoraalkan oo ugu danbeyntii shalay gaaray Golaha Wakiilada ee Kongareeska Maraykanka.

Aqalka Cad oo isku dayey inuu arrintan ka hortago ayaa ku fashilay inuu Baarlamaanka ka horjoogsado inay xogtan helaan, waxaana hada la sheegay in Saraakiisha ka shaqeysa xafiiska Trump ay cajalada laga duubay hadalkii dhexmaray Trump iyo Madaxweynaha Ukraine ay ka wareejiyeen kaydka xiriirka telefonada xafiiska Madaxweynaha iyagoo u wareejiyey Kaydka sirta sare oo ah mid lagu qariyo sirta xasaasiga ah sida hawlgalada militari, arrintaasi oo iyaduna noqoneysa danbi kale oo lagu eedeeyey Madaxweynaha.

Gudoomiyaha Golaha Wakiila Nancy Pelosi ayaa ku dhawaaqday inay bilaabi doonto qabashada mooshinka xilka looga xayuubinayo Madaxweynaha Maraykanka Trump arrintaasi oo ay in muddo ah kasoo horjeeday balse cadaadis ay xisbigeeda Dimuquraadiga kala kulantay ku khasabtay in ugu danbeyntii ay bilowdo mooshinka xil-ka-qaadista (impeachment).

Donald Trump oo walaac weyn ka qaba ololahan cusub ayaa diiday inuu wax khalad ah sameeyey isla markaana kulamo qarsoodi ah oo uu la yeeshay qaar kamid ah shaqaalaha dowlada iyo taageerayaashiisa ku sheegay in saraakiisha xogtan gudbiyey ay yihiin Basaasiin, isagoo intaasi kusii daray in xukunka Basaasiinta uu waagii hore ahaan jiray (DIL) arrintaasi oo loo arkay hanjabaad Trump u dirayo Saraakiisha xogta bixiyey oo la filayo inay hortagaan Guddiyaasha Baarlamaanka ee baaraya arrintan.

Maqalka iyo Muqaalka Trump oo hanjabaadan diraya ayaa lagu shaaciyey warbaahinta dalkaasi.

Marar badan ayaa lagu eedeeyey Donald Trump inuu sharuucda jabiyey, balse kiiskan cusub ayaa ah mid cadeynmo rasmi ah loo hayo oo u fududeenaysa Golaha Wakiilada inay bilaabaan mooshinka xil-ka-qaadista.

Mooshinkan ayaa u baahan inay ansixiyaan Aqlabiyada Xildhibaanada Golaha Wakiilada oo ay hada hogaamiyaan xisbiga Dimuquraadiga, kadib wuxuu u gudbi doonaa Aqalka Sare ee Senateka oo ay heystaan xisbi Xaakimka Jamhuuriga oo laga rabo inay 3-meelood ay 2-meel siyaan codka ansixinta mooshinkan

W/Q Khalid Yusuf

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -