Qeybo ka mid ah jirka Saxafigii la kharaajiyey ee Jamal Kashoggi oo la helay

Qeybo ka mid ah jirka Saxafiga la dilay ee Jamal Kashoggi  ayaa la soo sheegayaa in laga helay Guriga Qunsulka Sacuudiga uu ka degan yahay magaalada Istanbul sida uu baahiyey Tv-ga sky news ee dalka Britain.

Tv-ga oo soo xiganaya saraakiil ka tirsan sirdoonka Turkiga oo aan la magacaabin ayaa sheegay in Jardiin ku dhex yaalla guriga Qunsulka Sacuudiga laga helay qeybo ka mida jirka Saxafiga oo la jarjaray oo ku jiro Madixiisa oo si xun loo burburiyey.

Baarayaasha Turkishka ayaa oo baadi goobaya jirka khashogii halka uu ku dambeeyey ayaa maalmahan baaritaan ka dhex waday Guriga Qunsulka oo masaafo gaaban u jira dhismaha Qunsuliyada Sacuudiga oo bishan 2-dii bishan lagu khaarajiyey Suxufiga Jamal Kashoggi.

Afhayeen u hadlay xafiiska raisul wasaaraha Britain ayaa sheegay ayaa wax laga argagaxo ku tilmaamay in qeybo ka mida jirka Saxafigaas la helo, qeybihii kalena ay maqan yihiin.

Dhinaca kale jawaabo isku mid ah, oo u badan cadaadis Sacuudiga lagu saarayo inuu runta ka sheego qaabkii loo dilay Jamaal Khaashuqji ayaa aad isu soo taraya.

Madaxweynaha Turkigu wuxuu sheegay in dilka saxafigaas la sii qorsheeyey oo aysan ahayn arrin si kama’ ah ku dhacday, wuxuuna dalbaday in dadkii ka dambeeyey dilkiisa loo soo gacan galiyo, si maxkamad loogu saaro Turkiga.

Waddamada adduunka ugu hodansan ee dhanka warshadaha hore uga maray ayaa ayagana ka dalbaday Sacuudiga inay si buuxda u sheegaan sidii saxafiga Jamaal Khashoggi loogu dhex dilay qunsuliyadda ay boqortooyadu ku leedahay magaalada Istanbul.

Tallaabo ka mid ah culays xoog leh oo beesha caalamka ka imaanaya ayaa hadal ay soo saareen dalalka la isku yiraahdo G7 waxay Sacuudiga weydiisteen inuu sharraxaad ka bixiyo geerida weriyaha, taasoo keentay su’aalo badan oo aan weli jawaab loo hayn.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -