Dayax Madoobaad 48 saac ka dib laga arki doono qeybo ka mid ah dunida iyo Somalia oo..

Heyadda Culuunta hawada sare u qaabilsan Mareykanka ee NASA ayaa sheegtay in Talaadada soo socota oo ku beegan 8da Nofambar uu dhici doono Dayax Madoobaad laga arki doono qeybo ka mid ah caalamka.

Dayax-madoobaadkan ayaa ka soo muuqan doona Waqooyiga Ameerika, Baasifiga, Australia iyo qaarada Aasiya qeybo ka mid ah.

Qaarada Afrika oo ay ku jirto Somalia, bariga dhexe iyo qaarada Yurub ayaan laga arki doonin dayax madoobaadkan oo socon doona qiyaastii 90 daqiiqo.

NASA ayaa sheegtay in Dayax-madoobaadka Talaadada uu bilaabmi doonaa 3:02 a.m. EST (0803 GMT), isla markaana dayaxa uu si tartiib tartiib ah u lumin doono iftiinka ilaa marka ugu dambeysa uu ka casaado gebi ahaantiis.

Dayaxa ayaa madoobaada marka meeraha aynu ku nahay ee dhulka uu kala dhexgalo qoraxda iyo dayaxa taasoo sababta in dayaxu uu waayo iftiinka qoraxda ee suuragelin lahaa inuu cadaado, xaaladaasna waxay socotaa muddo kooban sida ay sheegaan khubarada ku xeeldheer culuunta hawadaa sare.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -