Raisul Wasaare Rooble oo raali galiyay Cali Guudlaawe kuna qanciyay ka qeyb galka Shirka Wadatashiga

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo Khadka telefoonka kula hadlay madaxweynaha Dowlad-goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe) oo ku sugan dalka Turkiga.

Rooble ayaa ka raalli galiyay Madaxweynaha Hirshabelle tabashadii uu ka qabay ka qeyb galka Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo maanta lagu wado in uu ka furmo magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Hirshabelle Cali Guudlaawe ayaana raali galinta Rooble kadib aqbalay in shirka maanta furmaya uga qeyb galaya aaladda fogaan aragga ee ZOOM.

Maamulka Hirshabelle ayaa horey u shaaciyay in aysan ka qeyb galeen shirka wadatashiga ee lagu waday in shalay ka furmo Muqdisho , waxaana ka filayaa in shirkan saacadaha soo socdo ka furmo Muqdisho.

- Advertisement -