Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Sacuudiga oo bedelaya xeer ka mid ah xeerarkii Salaada iyo dood kulul oo ka taagan

Golaha Shuurada Sacuudiga ayaa qorsheynaya in meesha laga saaro amarka dowlada ee qasabka ka dhigaya in la xiro goobaha ganacsiga xilliga salaadda.

Arrintan ayaa horseedday dood ballaaran oo ay dadku iskula wadaagayaan baraha ay bulshada ku wada xiriiraan ee Boqortooyada.

Warbaahinta Sacuudiga ayaa waxay tabiyeen in goluhu uu Isniinta u codayn doono talada ay soo jeediyeen xubnaha kala ah Cadhaa Al-Subayti, Faysal Al-Faadil, Latiifa Al-Shaalan iyo Latiifa Cabdulkariim, ee ay uga dalbanayeen wasaaradda arrimaha Islaamka inaanan qasab looga dhigin goobaha ganacsiga in la xiro xilliga salaadda maalinta Jimcaha ah mooyee.

Xubnaha ayaa tilmaamay in talobixintooda ay udub dhexaad uga dhigayaan in “xiritaanka goobaha ganacsiga waqtiga salaadda aanan lagu sheegin Qur’aanka Kariimka ama sunnada Nabiga (Nabadgalyo iyo Naxariis Korkiisa ha ahaatee)

Bilowgii bishan ayey aheyd markii mas’uuliyiinta dalka Sacuudi Carabiya ay ku adkeysteen tallaabo ay ku xaddideen codbaahiyayaasha masaajidda oo ahayd in aan laga maqlin meel ka baxsan gudaha masaajidda.

Wasaaradda Arrimaha Diinta ee dalkaasi ayaa dabayaaqadii bishii May ku dhawaaqday in dhammaan sameecadaha masaajidda codkooda la gaabiyo oo aysan ka badan saddex meelood hal meel heerka ugu sarreeya codkooda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweynihii hore ee Masar Maxamed Morsi oo geeriyooday

Caydiid Ali

Shir deg deg ah oo la isugu yeeray madaxda OIC iyo arrinta ay ka hadlayaan oo la shaaciyay

Cabdi Cade

Dalka Ma Ka Samataxbixi Karaa Darandoorriga Ah: Daad Ama Abaar ?

Cabdi Cade
Taboola Ads ---