Madaxweynihii hore ee Masar Maxamed Morsi oo geeriyooday

Madaxweynihii hore ee Masar Maxamed Morsi ayaa geeriyooday sida uu goor dhow baahiyey telefishinka codka dowlada ku hadla ee Al-ahram-tv

Morsi ayaa ku dhex geeriyooday sida Tv-gu baahiyey xili uu ku sugnaa Maxkamad ku taalla dalkaas oo maanta mar kale la soo taagay.

Madaxweyne Morsi oo si dimoqraadi ah loo doortay ka dib kacdoonkii ka dhacay dalkaas sanado 2011 ayaa waxaa xukunka ka tuuray milateriga dalkaas oo uu horkacayey madaxaweynaha talada dalkaas haya ee C/fitaax Al-Siisi, kaasoo xabsiga u taxaabay.

Eheladiisa ayaa dhawaan ku eedeeyey dowladda in laga jaray dawooyin uu qaadanayay taas oo ay xkuumaddu beenisay.

Maxamed Morsi ayaa 67 sano jir ahaa markii uu geeriyooday sida ay sheegtay warbaahinta qaranka dalkaasi.

La soco wixii warar ah ee ka soo kordha  

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -