Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

RW Rooble oo shaaciyey labo qodob oo looga hadlayo shirka Golaha Wadatashiga

Ra’iisul Wasaaraha xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble  ayaa ku casuumay madaxda dowlad goboleedyada shirka Golaha Wadatashiga Qaranka shir Sabtida ka dhacaya Muqdisho.

Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in shirkaas la isaga wareysanayo howlihii ka qabsoomay arrimaha doorashooyinka tan iyo heshiiskii 27-kii May iyo dardar gelinta shaqooyinka harsan.

Go’aankan ayaa ka soo baxay wadahadal xalay qadka Zoom-ka ku dhexmaray Ra’iisul Wasaaraha Somalia Maxamed Xussen Rooble iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Dhinaca kale, waxaa la filayaa in Ra’iisul Wasaaraha uu magacaabo Guddiga dib u heshiisiinta Heerka Wasiir ee afarta Dowlad Goboleed oo aan ku jirin Jubbaland, kuwaasoo Garbahaarey u tagaya xalinta arrinta Gedo, talaabadan ayaa qeyb ka aheyd heshiiskii dhexmaray Rooble iyo madax goboleedyada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Tirada dad ku dhintay folkano ka qaraxday buurta Semeru oo sii kordhaya (Sawirro)

Caydiid Ali

Ereyadii ugu dambeeyey ee Max’ed Mursi & Madax caan ah oo geeridiisa ka tacsiyadeeyey

Caydiid Ali

Diyaarado Iran sameysay oo gantaalo culus ku garaacay magaalada Kyiv (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---