Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Tirada dad ku dhintay folkano ka qaraxday buurta Semeru oo sii kordhaya (Sawirro)

Ugu yaraan 14 qof ayaa ku dhintay folkaano Sabtidii ka qaraxday buurta Semeru ee dalka Indonesia, sida ay Axadda maanta ah sheegtay hay’adda ka hortagga masiibada (BNPB), iyadoo kooxaha gurmadku ay baadigoobayaan dhibbaneyaal ku qarsoon lakabyada dambaska ka dhashay folkaanaha.

Semeru, oo ah buurta ugu dheer jasiiradda Java, ayaa waxaa Sabtidii kor u kacay danbas iyo daruuro kulul, kuwaasi oo qariyay tuulooyinka u dhow dhow ee gobolka Java, taasi oo ku qasabtay in ay dadku argagax awgeed u barakacaan.

Qaraxa folkaanada ayaa dhaawacay buundo istaraatiji ah oo isku xirta laba aag oo ka tirsan degmada Lumajang ee ka agdhow Semeru iyadoo magaalada Malang ay dhismayaal burbureen.

Sarkaal ka tirsan hay’adda ka hortagga musiibooyinka ayaa shir jaraa’id ku sheegay gelinkii danbe ee Axadda maanta ah in 14 ay dhinteen. 56 qof ayaa dhaawacmay iyadoo 1,300 oo qofna la badbaadiyay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Mareykanka oo caqabad ku noqday Xabbad joojin ka hirgasha magaalada Gaza

Cabdi Cade

Kenya oo shaacisay iney wafdi culus u direyso caleemo saarka Axmed Madoobe

Caydiid Ali

Kulan xasaasi ah oo Asmara ku dhax maraya Madaxda Soomaaliya, Masar iyo Eritrea

Cabdi Cade
Taboola Ads ---