Haweeney ka tirsaneyd Maamul degmo oo la dilay & amniga Muqdisho oo sii xumaanaya

Kooxo hubeysan ayaa degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir ku dilay haweeney ka tirsaneyd Maamulka degmadaas

Haweeneyda oo magaceeda lagu soo koobay Suldaano ayaa sida la sheegay ka tirsaneyd guddiga xalinta khilaafaadka iyo Maxkamadda degmada Kaaraan.

Ciidamo ka tirsan Booliska degmada Kaaraan ayaa tegay goobta uu dilka ka dhacay, iyagoo halkaasi ka sameeyay howlgalo baaritaano ah, inkastoo aysan ku guuleysan iney soo qabtaan raggii geystay dilkan oo baxsaday.

Dilkan ayaa noqonaya kii 3aad ee ka dhaca Muqdisho 48-kii saacadood ee la soo dhaafay Xalay ayey aheyd markii degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho lagu dilay Guddoomiye Waaxeed ka tirsanaa degmadaas, iyadoo habeenkii ka horeeyeyna lagu dilay degmada Wadajir askari ka tirsanaa ciidamada Gorgor.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -