Siyaasiyiinta iyo Waxgaradka Murusade oo ka arinsaday Dhismaha Galmudugta Cusub (Daawo Sawirada)

Waxaa maanta magaalada Muqdisho kulan ku yeeshay Siyaasiyiin iyo waxgarad katirsan beesha Murusade, kulanka ayaana looga arinsanayay xaalada siyaasadeed ee ka taagan maamulka Galmudug iyo kaalinta beesha ku leedahay.

Kulanka waxaa goob joog ka ahaa Xildhibaano katirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug, Xildhibaano katirsan Galmudug, Siyaasiyiin iyo waxgarad.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Galmudug Cali Gacal Casir ayaa ka warbixiyay marxaladihii uu soo maray maamulka Galmudug iyo marxalada siyaasadeed ee xiligan ka taagan maamulkaasi uu hareeyay khilaaf siyaasadeed.

Waxa uu sheegay Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir in bilo kadib uu dhamaanayo mudadii afarta sano aheyd ee jiritaanka maamulka Galmudug , waxa uuna xusay in loo diyaargaroobayo dhismaha Galmudug cusub oo jid iyo jaho leh.

Cali Gacal ayaa sheegay in ay socdaan kulamo looga arinsanayo dhismaha Galmudug cusub, maadaama waqtigiisu dhamaad yahay maamulkii hore, waxa uuna xusay in Beesha Murusade muhiim tahay in ay ka arinsato dhismaha maamulka iyo isbadalka la rajeenayo.

”Kulankan ujeedkiisi waxaa waaye in lakala warqaado, maamulka iyo Baarlamaanka Galmudug labo bil kadib waa dhacayaan, waana muhiim in beesha ka arinsato dhismaha Galmudug iyo sidii kaalinteeda uga ciyaari laheyd” Ayuu yiri Cali Gacal

Senetar Cabdi Axmed Dhuxulow (Dhagdheer) oo isna ka hadlay kulanka ayaa sheegay in ay socdaal abaabul lagu doonayo in Galmudug sida hada ay tahay loo dhaamo, waxa uuna xusay in laga shaqeenayo sidii loo dhisi lahaa Galmudug raali laga wada yahay.

Dhagdheer ayaa sheegay in muhiim tahay in laga wada arinsado sidii loo bad baadin lahaa Galmudug, waxa uuna kula dar daarmay Waxgaradka iyo Siyaasitiinta Beesha Murusade in kaalintooda ka qaataan dhismaha Galmudug raali laga yahay.

Dhamaan dadkii kala duwanaa ee kulanka ka hadlay ayaa soo dhaweeyay in beesha ka arinsato aayaheeda gaar ahaan maamulka Galmudug ay qeyb ka tahay, waxa ayna sheegeen in ay kaalintooda ka ciyaari doonaan dhismaha maamulka Galmudug.

Maamulka Galmudug ee lagu dhisay Cadaado ayaa muda xilieedkeeda afara sano waxa ay ku egtahay bisha June ee sanadkan , waxaana jira caqabado badan oo hortaagan in mar kale la dhiso Galmudug dhaanta mida hada jirta oo waqtigeeda ku dhamaaday khilaaf.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -