Nin iska soo tuuray Dabaqa Haweeney xaas ahayd oo uu la haasaawi jirey !!!?

Nin dhallinyaro oo u dhashay dalka Masaarida ayaa geeriyooday, kadib, markii uu ka soo dhacay Dabaqa 4-aad ee Dhismo ku yaalla Deegaanka Helwan Gardens ee dalkaasi.
 
Warbaahinada dalkaasi waxay sheegeen in Ninkaasi uu ka soo dhacay Dabaqa, xilli uu doonayey inuu ka baxsado Sayga haweeneydii uu la haasaawayey ee uu xiriirka la lahaa oo guriga ku soo laabtay xilli aysan ka filaynin.
 
Waaxda Boliska Al-Masaara waxay dadka Deegaanka ka heleen Warbixin ku aadan inuu Nin dhallinyaro ah ka soo dhacay Dabaqa 4-aad ee Deegaanka Helwan Gardens.
 
Baarayaasha Boliska waxay tageen halka uu yaallay Maydka ninka ka soo dhacay Dabaqa, oo ay ku yaalleen dhaawacyo iyo jajab kala duwan.
 
Inta ay socdeen Baaritaanada waxaa la ogaaday in Dhibanaha uu xiriir la lahaa Haweeney degganayd Dabaqa 4-aad ee Dhismaha uu ka soo dhacay.
 
Sayga haweeneydaasi ayaa la sheegay inuu xilligii ay Mashaqadan dhacaysay soo galay Guriga, isagoo ka soo laabtay shaqada, kadib, markii uu Daal badan dareemay.
 
Ninkii dhallinyarada ahaa waxa uu dareemay Joogitaanka Saygeeda, waxaana uu isku dayey inuu ka boodo Qolka uu ku xirnaa Qaboojiyaha Mukayfka.
 
Baarayaasha waxay kaloo awoodeen inay soo xiraan Haweeneydii uu la joogay Ninkii iska soo tuuray Dabaqeeda.
W/Q Ustaad Nuuradiin

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -